gototopgototop
Wakiilka Xawaaladda Amal Ee Waqooyiga Somaliya C/risaaq Dawdar Iyo Cismaan Garaad Soofe Oo Loo Magacaabay Wasiiro SNM.
Written by Jidbaale.com   
Wednesday, 28 July 2010 10:14

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(Jidbaale.com):-Wakiilka Xawaaladda Amal ee waqooyiga Soomaaliya C/risaaq Khaliif Axmed Dawdar Ayaa maanta loo magaacabay wasiirka Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska: waxaa sidoo kale isla loo magaacay wasiir ku xigeen Cismaan Garaad Soofe oo ahaa ganacsade isla markaana muddooyinkii ugu danbeeyey xidhiidh dhaw la lahaa Malayshiyada SNM.

 

 

Xubno kale ayaa iyaguna jira oo loo magaacabay wasiiro kuwaas oo ka soo jeeda deegaanka SSC.

Xawaaladda Amal ayaa dhaqaale badan ku bixisay sidii ay ugu taageeri lahayd C/risaaq Khaliif Axmed Dawdar in uu ku guulaysto wasiirnimadan malayshiyada SNM , waxaanu olole xoogan ka galay magaalada Laascaanood sidii uu ururka Siilaanyo ugu guulaysn lahaa doorshooyinkii malayshiyadda SNM ee dhacday dhawaan.

Xafiisyada xawaaladda Amal ee magaalooyinka Hargeysa , Burco Laascaanood ayaa ahaa goobo looga ololeeyo ururka siilaanyo intii doorashadu socotay.

Hoos ka Akhri magacyada Golaha wasiiradda Malayshiyadda SNM.

1. Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga : Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

2. Arimaha Gudaha: Dr. Maxamed Cabdi Gaboose

3. Maaliyada :Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

4. Hawlaha Guud iyo Gaadiidka :Xuseen Axmed Caydiid

5. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Samsam Cabdi Aadan

6. Caafimaadka: Dr. Xuseen Muxumed Maxamed

7. Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta: Dr. Sacad Ali Shire -

8. Gaashaandhiga: Axmed Xaaji Cali Cadami -

9. Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska: Cabdirisaaq Khaliif Axmed

10. Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga: Dr. Axmed Xaashi Oday -

11. Boosaha iyo Isgaadhsiinta: Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed -

12. Cadaalada iyo Garsoorka: Prof Ismaaciil Muumin Aare -

13. Diinta iyo awqaafka: Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed -

14. Shaqada iyo Arimaha Bulshada: Ilhaan Maxamed Jaamac -

15. Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha: Dr. Maxamd Yaasiin Xasan -

16. Macdanta Biyaha iyo Tamarta: Dr. Xuseen Cabdi Ducaale -

17. Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka: Maxamed Xaashi Madar -

18. Beeraha: Prof.Faarax Cilmi Maxamuud -

19. Duulista iyo Hawada: Maxamuud Xaashi Cabdi

20. Warfaafinta: Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

Wasiir Ku xigeen:

1. Maxamed Younis Cawaaale

2. Cismaan Garaad Soofe

3. Warsame Saciid Cabdi

4. Cali cabdi Saa'iq

5. Cali Maxamud Jibriil

6. Nimco xuseen Qawdhan

 

Last Updated on Wednesday, 28 July 2010 10:46
  Back