|
Written by Jidbaale.com
|
|
Wednesday, 26 May 2010 12:09 |
Widhwidh(Jidbaale.com):-
Hoggaanka Midaynta iyo Badbaadada ee SSC Dr. Saleebaan Xaglatoosiye Iyo Ku Xigeenkiisa Col. Cali Sabaray ayaa dhambaal mahadnaq ah u soo gudbiyey Jaalliyadda SSC ee ku dhaqan Qurbaha sida ay u muujiyeen midnimada isla markaana u garab istaageen hogaanka hiil iyo hoona ugu muujiyeen.
Hoggaanka oo ku sugan jiidda hore ayaa saxaafadda u sheegay in ay aad ugu farxeen sida geesinimadu ku jirto ee ay Jaalliyadda SSC markiiba uga soo baxeen kaalintooda, wuxuuna hoggaanku sheegay in ay ku diirsadeen sida wanaagsan ee jaalliyaduhu shirarka isdaba jooga ah u qabteen isla markaana dareenkooda u muujiyeen.
Hoggaanku wuxuu balan qaaday in shacabka SSC dhawaan maqli doonaan warar badan oo ka farxiya, isla markaana ay ku diirsan doonaan tallaabooyinka dhawaan laga qaadi doono cadowga ku soo xadgudbay deegaanka SSC.
Wuxuu balan qaaday hoggaanku in wax kasta halkii loogu talagay la marin doono, gaar ahaan dhaqaalaha ay jaalliyaddu ugu talo gashay hawlaha hadda socda, wuxuuna hoggaanku intaa ku daray in jaalliyadda looga baahan yahay kartida ay muujiyeen in ay halkaas ka sii wadaan si loo gaadho yoolka la hiigsanayo, oo ah in deegaanka SSC laga sifeeyo jabhadda ka soo duushay deegaanno kale.
Hoggaanku wuxuu intaas ku daray bilowga hawlahan oo kale, oo aan si buuxda looga sii diyaar garoobin intay isku duba dhacayaan waxaa imaan kara waxyaalo badan oo hawshu sababto, sidaas daraadeed waxaa uu ku buuriyey hoggaanku dhammaan shacabka SSC in ay aad isugu duubnaadaan samir, dulqaad iyo adkaysi muujiyaan si loo gaadho guulaha la hiigsanayo.
Jiidda Hore
Jidbaale.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|
Last Updated on Wednesday, 26 May 2010 14:42 |